Muqdisho – Qaar ka mid ah bajaajleyda laga soo daayay xabsiga ayaa la hadlay Shabelle, iyagoo ka hadlay xaaladdii ay la kulmeen intii ay xabsiga ku jireen iyo fariimaha loo diray.
Mid ka mid ah bajaajleyda, Sacdiyo Bajaaj, ayaa sheegtay in intii ay xabsiga ku jirtay ay u yimaadeen rag sheegay inay ka socdaan guddoomiyaha degmada Hodan. Waxay sheegtay in raggaasi ay ku yiraahdeen: “Guddoomiye Abshiroow ayaa ku damiinaya, laakiin iska dhaaf waxyaabaha aad ka hadleyso.”
Sacdiyo ayaa sheegtay inay si cad uga jawaabtay hadalkaas, iyadoo tiri: “Haddaaba afka i cun-cunaya, Dastuurkaa ii ogol inaan hadlo.” Waxay ku adkaysatay in qof kasta uu xaq u leeyahay inuu cabbiro aragtidiisa, isla markaana uusan ka aamusi karin arrimaha ay dareemeyso inay muhiim yihiin. Daawo




