Tanzania – Ugu yaraan toddobo shaqaale caafimaad ah ayaa ku dhintay kadib markii doontii ay ku safrayeen ay ku rogmatay dabaylo xooggan oo ka dhacay harada Tanganyika ee dalka Tanzania, sida uu xaqiijiyay xafiiska madaxweynaha Samia Suluhu Hassan.
Kooxdan shaqaalaha ah ayaa ku safrayay harada si ay u gaarsiiyaan daryeel caafimaad tuulada Kagunga ee ku taal xuduudka Tanzania iyo Burundi, markii doontii ay la socdeen ay la kulantay dabayl xooggan oo keentay inay ku rogmatay.
Waxaa la soo badbaadiyay 14 qof oo kale, kuwaas oo hadda lagu daweynayo isbitaal u dhow, halka kooxaha gurmadka ay weli baadi-goob ugu jiraan labo qof oo la la’yahay.
Aaggaas waxaa ku sugnaa kumannaan qaxooti reer Burundi ah oo dhawaan bilaabay in ay dib ugu laabtaan dalkooda, sannado kadib markii xeryahoodii la xiray. Shaqaalaha caafimaadka iyo hay’adaha bini’aadantinimada ayaa ka shaqeynayay gaarsiinta gargaar caafimaad iyo adeegyo kale oo muhiim ah qaxootiga.
Dhacdo kale oo ka dhacday harada Tanganyika, waxaa ku dhintay laba kalluumaysato ah, laba kalena waa ay ku dhaawacmeen kadib markii doontii ay la socdeen ay la kulantay danab. Madaxweynaha Tanzania Samia Suluhu Hassan ayaa u muujisay “tacsi tiiraanyo leh” qoysaska dhibanayaasha.
Bariga Afrika waxaa maalmihii la soo dhaafay ka dhacay duufaano xooggan, iyadoo ugu yaraan 80 qof ku dhintay daadad iyo dhul go’ay koonfurta Ethiopia, halka in ka badan 60 qof ay ku dhinteen daadad ka dhacay Kenya. Dhacdadan ayaa muujinaysa halista cimilada daran ee ka jirta gobolka.




