New York – Maxkamad federaal ah oo ku taalla gobolka Massachusetts ayaa si ku meel gaar ah u hakisay qorshihii lagu joojin lahaa barnaamijka Temporary Protected Status oo ah xaalad sharci oo ku meel gaar ah oo ay bixiso dowlada mareykanka (TPS) ee loogu talagalay muhaajiriinta Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka.
Go’aankan ayaa waxaa soo saartay xaakimadda federaalka Allison D. Burroughs, taas oo sheegtay in cawaaqib culus ay ka dhalan karto haddii TPS-ka Soomaalida la joojiyo ka hor inta aan dacwadda si buuxda loo dhageysan.
Xaakimaddu waxay sheegtay in in ka badan 1,000 Soomaali ah ay wajihi karaan khataro ay ka mid yihiin xarig, masaafurin, rabshado haddii lagu celiyo Soomaaliya, iyo kala tag qoysaska.
Go’aanka maxkamadda ayaa yimid kadib markii qareennada u doodayay dadka haysta TPS ay maxkamadda u gudbiyeen mooshin degdeg ah oo ay ku dalbanayeen in la hakiyo joojinta barnaamijka, kadib markii maamulka madaxweyne Donald Trump uu ku dhawaaqay qorshe lagu soo afjarayo TPS ee Soomaalida.
Inta uu go’aankan ku meel gaarka ahi shaqaynayo, dadka Soomaaliyeed ee haysta TPS ama codsiyadoodu weli socdaan waxay sii wadan karaan xuquuqdooda, oo ay ku jiraan oggolaanshaha shaqada iyo ilaalinta ka hortagga masaafurinta.
Dhanka kale, Wasaaradda Amniga Gudaha ee Mareykanka ayaa dhaleeceysay go’aanka maxkamadda, iyadoo sheegtay in xaaladda Soomaaliya ay soo roonaatay isla markaana TPS uu yahay barnaamij ku meel gaar ah oo aan loogu talagelin inuu sii socdo muddo dheer.
Dacwaddan ayaa weli socota, waxaana la filayaa in maxkamaddu go’aan kale ka gaarto mustaqbalka TPS-ka Soomaalida ee ku nool Mareykanka.



