Muqdisho – Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Shiinaha, Wang Yi, ayaa kulan kula qaatay diblomaasiyiinta dalkiisa ee ku sugan Muqdisho, isagoo ka wada hadlay xaaladda amniga iyo siyaasadda Beijing ee ku aaddan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo Daacish.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Shiinuhu u xoojin lahaa badqabka muwaadiniintiisa iyo ilaalinta danaha dhaqaale ee uu ku leeyahay dalka, iyadoo wasiirku uu carrabka ku adkeeyay in dowladdiisu qaadi doonto tallaabooyin dheeri ah oo lagu xaqiijinayo badbaadada shaqaalaha Shiinaha ee ka howlgala deegaannada khatarta leh.
Saraakiisha safaaradda Shiinaha ee Muqdisho ayaa wasiirka u gudbiyay warbixinno ku saabsan xaaladaha amni ee ay ku shaqeeyaan, iyagoo xusay in Beijing ay sii wado taageerada ay siiyaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Taageeradan ayaa lagu salaynayaa mabda’a ixtiraamka madaxbannaanida Soomaaliya iyo xiriirka faca weyn ee ka dhexeeya labada dal.
Kulanka ayaa ku soo beegmaysa xilli dowladda Federaalka Soomaaliya ay kordhisay howlgallada milatari ee ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo raadinaysa iskaashi caalami ah oo lagu xasilinayo dalka.
Shiinaha, oo muddo dheer ahaa saaxiibka ugu weyn ee Soomaaliya dhanka ganacsiga iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha, ayaa hadda u muuqda inuu doonayo door firfircoon oo dhanka amniga iyo siyaasadda gobolka ah, si uu u ilaaliyo maalgashigiisa sii kordhaya ee Bariga Afrika.



