Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeer ku Tagay Kuliyadda Tababarka TURKSOM

0

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed sareeyo guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, , ayaa kormeer ku tagay Kuliyadda Tababarka Ciidanka Xoogga Dalka TURKSOM, halkaas oo uu ku kuurgalay xaaladda guud ee dugsiga iyo habsami u socodka tababarada ay qaadanayaan cutubyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka.

 

Intii uu halkaasi joogay, Taliyaha ayaa sidoo kale soo xiray tartan ciyaareed oo lagu maamuusayey bisha barakeysan ee Ramadan, kaas oo dhex maray fasallada kala duwan ee kuliyadda. Tartankani wuxuu qeyb ka ahaa dhiirrigelinta iyo is-dhexgalka askarta ku jirta tababarka.

Ciyaartii kama dambaysta ahayd waxay dhex martay laba kooxood oo matalayay Fasalka 1-aad iyo Fasalka 3-aad, waxaana ugu dambeyn guusha raacday kooxda matashay Fasalka 1-aad.

Ugu dambeyn, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa la afuray layli saraakiisha tababarka ku qaadanaya kuliyadda TURKSOM, isagoo bogaadiyey dadaalka iyo dadaalka joogtada ah ee tababarayaasha iyo tababarayaasha cusub.May be an image of one or more people and text that says "TÜRK SOMALİ C KUVVETİ KOMUTANLIĞI"May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here