Madaxweynihii hore Farmaajo oo cambaareeyay xariga dhalinyarada Muqdisho

0

Muqdisho – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si kulul u cambaareeyay xarigga lagu sameeyay hoggaanka Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYPA.

 

War-saxaafadeed uu soo saaray ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi ay muujinayso jihada khaldan ee maamulka uu hoggaamiyo Xasan Sheekh Maxamuud uu u wado talada dalka.

“Xarrigga Hoggaanka Ururka Dhallinyarada Soomaaliyeed ee SOYPA oo caawa uu ku kacay nidaamka waqtigiisu sii dhammaanayo ee Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu muujinayaa jihada khaldan ee uu la aaday talada iyo masiirka dalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Farmaajo ayaa sidoo kale sheegay in muwaadiniinta hadalkooda cabbira, gaar ahaan kuwa ka hadla halista ku hareersan midnimada iyo dowladnimada dalka, iyo sidoo kale culayska dhaqaale iyo duruufaha nololeed ee shacabka, aan lagu wajahin xarig iyo tacaddi.

Wuxuu intaa ku daray in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay sii hurin karaan xaaladda iyo kacdoonka dhalinyarada Soomaaliyeed, kuwaas oo uu sheegay inay ka quusteen eexda iyo musuqmaasuqa baahsan.

“Anigoo ugu baaqaya Saraakiisha Amniga in ay ka waantoobaan tallaabooyinkan soo noqnoqday, haddana waxaan xasuusinayaa in shaqada ay hayaan loo asteeyey badqabka iyo ilaalinta karaamada, nafta iyo hantida dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo.

Hadalkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay jiraan dhaliilo isa soo taraya oo loo jeedinayo dowladda federaalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira xorriyadda hadalka iyo xuquuqda dhalinyarada.May be a graphic of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here