BAYDHABO — Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu hakiyay dhammaan wada-shaqeyntii kala dhaxaysay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray maamulkaasi.
Bayaan ka soo baxay maamulka ayaa lagu sheegay in go’aankaasi uu ka dambeeyay baaritaan iyo qiimeyn ay ku sameeyeen xaaladda guud ee dalka, iyagoo ku eedeeyay dowladda dhexe inay si toos ah u faragelisay arrimaha gudaha ee dowlad-goboleedka.
Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in bilihii la soo dhaafay ay arkeen abaabul ciidan oo ay sheegeen inuu wiiqayo midnimada bulshada iyo hab-maamulka heer dowlad-goboleed. Sidoo kale, waxay ku eedeeyeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada federaalka inay si toos ah ugu lug yeesheen arrimaha amniga, dhaqaalaha iyo maamulka gudaha.
“Kaddib wada-hadallo badan oo aan la yeelanay dowladda federaalka, kuwaas oo aan ku dalbanaynay in la joojiyo faragelinta, waxaa noo caddaatay in tallaabooyinkaas ay khatar ku yihiin jiritaanka dowladnimada Koonfur Galbeed,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Maamulka ayaa intaas ku daray inay arkeen hub iyo agab ciidan oo lagu qalabeynayo maleeshiyaad aan la aqoonsan oo ka howlgala deegaannadooda, kuwaas oo ay ku tilmaameen kuwo ka baxsan nidaamka dowliga ah.
Iyadoo laga duulayo arrimahaas, Koonfur Galbeed ayaa shaacisay inay si buuxda u joojisay wada-shaqeyntii ay la lahayd dowladda federaalka ilaa laga helo dowlad ixtiraamta nidaamka federaalka, sida uu sheegay afhayeenka maamulka.
Go’aankan ayaa ka dhigaya Koonfur Galbeed dowlad-goboleedkii saddexaad ee xiriirka u jara dowladda dhexe, kaddib tallaabooyin la mid ah oo horey ay u qaadeen maamullada Puntland iyo Jubbaland.



