Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si adag uga hadashay go’aan ka soo baxay maamulka Koonfur Galbeed, kaas oo lagu sheegay in la hakiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay labada dhinac, xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo sii xoogeysaneysa.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta ee DFS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in ay si dhow ula socoto xaaladaha ka soo cusboonaaday deegaannada Koonfur Galbeed, iyadoo muujisay walaac ku aaddan caqabado siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka jira qaar ka mid ah deegaanada maamulkaas.
Dowladda Federaalka ayaa ugu horreyn bogaadisay doorka ay shacabka iyo maamulka Koonfur Galbeed ku leeyihiin ilaalinta midnimada dalka iyo dhismaha dowladnimada, iyagoo si firfircoon uga qeyb qaatay hannaanka dib u eegista dastuurka iyo geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka.
Si kastaba ha ahaatee, DFS waxay si cad u sheegtay in aysan wax lug ah ku lahayn xasillooni darrada laga soo sheegayo deegaanada qaar ee Koonfur Galbeed, iyadoo carrabka ku adkeysay inay ka shaqeyneyso joojinta colaadaha iyo in khilaafaadka lagu xalliyo wadahadal si loo ilaaliyo guulihii laga gaaray la dagaallanka argagixisada.
Bayaan ka soo baxay wasaaradda ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyay go’aanka maamulka Koonfur Galbeed ee lagu hakiyay wada shaqeyntii kala dhaxeysay DFS, iyadoo dowladda federaalka ay caddeysay in hay’adaha dowladda ay weli gudanayaan waajibaadkooda dastuuriga ah iyo kuwa sharci ee ka saaran shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed.
Dhinaca kale, DFS waxay ugu baaqday maamulka Koonfur Galbeed in ay sii wadaan wada shaqeynta iyo ka qeyb qaadashada hannaanka dib u heshiisiinta iyo dimuqraadiyeynta dalka, iyadoo sidoo kale fariin u dirtay bulshada, odayaasha dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka, si ay uga feejignaadaan wax kasta oo khatar gelin kara amniga iyo nabadda.
Xiisaddan ayaa imaneysa xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo soo noqnoqday oo u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada, kuwaas oo inta badan salka ku haya arrimo la xiriira awood qaybsiga, doorashooyinka iyo hirgelinta nidaamka federaalka.



