Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka oo gaaray Hiiraan

0

Hiiraan – Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Jeneraal Cabdullaahi Cirro, iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray degaanka Teedaan ee gobolka Hiiraan, halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyay.

 

Wafdiga ayaa waxaa halkaasi ku soo dhaweeyay Taliyaha Qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, Korneyl Cali Cageey, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalada ka socda gobolka.

Intii uu ku sugnaa Teedaan, Jeneraal Cabdullaahi Cirro ayaa fagaare kula hadlay ciidamada Qeybta 27-aad, isagoo ku booriyay inay dardargeliyaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee lagu xoreynayo gobolka Hiiraan. Taliyaha ayaa sidoo kale ciidamada kula dardaarmay inay muujiyaan dulqaad, samir iyo adkeysi, gaar ahaan inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la laba jibaaro dadaallada amniga, si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo badbaadada shacabka ku nool gobolka Hiiraan.

Dhankooda, saraakiisha iyo ciidamada halkaasi ku sugan ayaa uga mahadceliyay booqashada Taliye Ku-xigeenka, iyagoo ballan qaaday inay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha argagixisada, isla markaana ay xoojin doonaan dadaallada lagu sugayo nabadgelyada guud ee gobolka.May be an image of one or more peopleNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here