Kordofan — Ciidamada qalabka sida ee Sudan ayaa sheegay Talaadadii inay si guul leh u fashiliyeen weerarro ay soo qaadeen (RSF) oo ka dhacay gobollada Kordofan iyo Darfur 24-kii saac ee la soo dhaafay.
War qoraal ah oo ka soo baxay ciidanka ayaa lagu sheegay in howlgalo jihooyin kala duwan ah ay ciidamadoodu ka fuliyeen deegaannada ay dagaalladu ka socdaan, iyagoo ka hortagay weerarro culus oo RSF ay ku qaaday fariisimahooda.
Sida bayaanka lagu sheegay, RSF ayaa weerar ballaaran ku qaaday fariisin ciidan oo ku yaalla Al Tina, halkaas oo ciidamada dowladda ay sheegeen inay ku burburiyeen 35 gaari oo dagaal, isla markaana ay qabsadeen 49 kale. Ciidanka ayaa sidoo kale sheegay in tobanaan ka tirsan dagaalyahannada RSF lagu dilay weerarkaasi.
Weerar kale oo ka dhacay Al Dilling ayay ciidamada sheegeen inay iska caabiyeen, iyagoo burburiyay shan gaari oo dagaal isla markaana gacanta ku dhigay qalab isgaarsiineed.
Dhanka kale, difaacyada cirka ayaa lagu soo warramay inay soo rideen diyaarad aan duuliye lahayn (drone) oo lagu tilmaamay mid “cadawtinimo” ah, taas oo ka dhacday Al Obeid subaxnimadii Talaadada.
Ciidamada ayaa sidoo kale sheegay inay dagaal culus ka fuliyeen magaalada Bara, ka hor inta aysan dib uga gurin duleedka magaalada, iyagoo ku andacoonaya inay khasaare weyn gaarsiiyeen RSF. Si kastaba, Isniintii ayay RSF sheegtay inay la wareegtay gacan ku haynta magaalada Bara kadib dagaallo halkaasi ka dhacay.
Toddobaadyadii la soo dhaafay, dagaallo xooggan ayaa ka socday gobollada Daarfuur iyo saddexda gobol ee Kordofan, kuwaas oo sababay barakaca tobanaan kun oo rayid ah.
Colaadda u dhexeysa ciidamada Sudan iyo RSF ayaa soo bilaabatay bishii Abriil 2023, kadib khilaaf ka dhashay qorshe lagu doonayay in RSF lagu daro ciidamada qaranka.
Dagaalladaasi waxay sababeen mid ka mid ah dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee ugu daran caalamka, iyadoo tobanaan kun la dilay, ku dhawaad 13 milyan oo qofna ay ku barakaceen gudaha iyo dibadda dalka.


