WASHINGTON – Garsoore heer federaal ah ayaa soo saaray amar degdeg ah oo lagu joojinayo go’aankii maamulka Trump uu ku doonayay in lagu kansalo sharciga badbaadada kumeel-gaarka ah (TPS) ee ay dalkaas ku joogaan dadka u dhashay Soomaaliya.
Garsoore Allison Buraf ayaa go’aamisay in maamulka madaxweyne Trump uusan hadda fulin karin go’aanka uu ku baabi’inayo xuquuqda qoxootiga Soomaalida. Go’aankan ayaa yimid ka dib markii dacwad laga gudbiyay qorshaha maamulka oo ahaa in la soo afjaro barnaamijka TPS bishan aan ku jirno.
In ka badan 1,100 qof oo Soomaali ah ayaa ka badbaaday in dalka Mareykanka laga saaro toddobaadkan.
“Dadka haysta sharcigan waxay sii wadan karaan shaqadooda iyo noloshooda caadiga ah inta ay dacwaddu socoto,” ayuu yiri garsooraha.
Garsooruhu wuxuu tixgeliyay in Soomaaliya ay weli ka jiraan amni-darro iyo colaado aan u oggolaan karin dadkan inay si nabad ah ugu laabtaan.
Maamulka Trump ayaa horay u ku dooday in xaaladda Soomaaliya ay soo hagaagtay, balse ururrada u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay in go’aanka madaxweynuhu uu ahaa mid ku dhisnaa takoor iyo nacayb uu u qabo dadka soo galootiga ah, gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Minnesota.
Amarkan waa mid kumeel-gaar ah, waxaana la sugayaa inta maxkamaddu ay ka gaarayso go’aan kama dambays ah oo ku saabsan mustaqbalka dadka Soomaaliyeed ee sharcigan ku jooga Maraykanka.



