Muqdisho – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga hadlay ciidamo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya u daabushay magaalada Baraawe.
Xoghayaha golaha, Maxamed Aadan Koofi, oo shir jaraa’id qabtay, ayaa sheegay in goluhu ka digayo waxa uu ku tilmaamay ku tagrifalka awoodda in ciidamada qaranka loogu adeegsanaya dano siyaasadeed.
Wuxuu sidoo kale xusay in tallaabooyinka noocan oo kale ah ay keeni karaan khataro amni oo saameeya shacabka Soomaaliyeed, haddii aan si taxaddar leh loo maareyn.
Hadalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay jiraan dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo laga dareemayo gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo weli aan si rasmi ah dowladda uga hadlin ujeedka ciidamada la geeyay Baraawe.
Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ugu baaqay madaxda dowladda inay ilaaliyaan dhexdhexaadnimada ciidamada qaranka isla markaana ay ka fogaadaan adeegsiga awood ciidan oo keeni karta xiisado siyaasadeed iyo amni darro,Daawo.


![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

