Muqdisho, Soomaaliya – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inuu la safan yahay maamulka Koonfur Galbeed, kadib khilaafka sii xoogeysanaya ee kala dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ay soo saareen ayaa goluhu ku booriyay maamulada kale ee dalka, gaar ahaan Galmudug iyo Hirshabeelle, inay qaadaan tallaabooyin la mid ah kuwa ay horay u qaadeen Koonfur Galbeed, Puntland iyo Jubaland.
Xiisadda u dhexeysa Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka ayaa gaartay heer aad u xasaasi ah, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in maamulka Koonfur Galbeed uu xiray garoonka diyaaradaha ee Baydhabo, taas oo sii kordhisay muranka siyaasadeed.
Dhanka kale, Dowladda Federaalka ayaa lagu soo warramayaa inay qorsheyneyso in mas’uuliyiin iyo ciidamo lagu dejiyo deegaannada maamulkaas, iyadoo horey ciidamo loogu daabulay magaalada Baraawe, oo ah caasimadda rasmiga ah ee Koonfur Galbeed.
Xaaladdan ayaa loo arkaa mid sii kordhinaysa khilaaf siyaasadeed oo culus, kaas oo haddii aan si degdeg ah loo xallin uu saameyn ku yeelan karo amniga, wadajirka iyo xasilloonida guud ee dalka.


![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)

