BAYDHABO -Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa kulan deg deg ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xaaladaha siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha la xiriira faragelinta ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku hayso Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha ayaa Odayaasha Dhaqanka la wadaagay mowqifka rasmiga ah ee Dowlada Koonfur Galbeed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dastuurka, madax-bannaanida dowlada, iyo wada-shaqeyn ku dhisan ixtiraam iyo wada-tashi.
Odayaasha Dhaqanka ayaa dhankooda muujiyay walaacooda ku aaddan xaaladda taagan, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo midnimada bulshada, lana ilaaliyo xasilloonida iyo nabadda deegaanada Koonfur Galbeed.











![Lafta-Gareen oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed [Sawirro]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/03/654262526_1519712886386424_7795626822133746026_n-150x150.jpg)
