Muqdisho — Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
Hoggaamiyaha ayaa fariintiisa ku xusay in Soomaaliya maanta ay u baahan tahay in laga gudbo khilaafaadka yaryar iyo danaha siyaasadeed, si loo gaaro midnimo iyo horumar waara.
Sidoo kale, wuxuu shacabka ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirka, is ixtiraamka iyo ka shaqeynta danta guud ee dalka, isagoo u rajeeyay dhammaan ummadda Soomaaliyeed Ciid farxad leh oo nabad iyo barwaaqo ku dheehan tahay.
DAAWO.




