Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo shacabka Muqdisho ugu hambalyeeyay Ciidul Fitriga

0

Muqdisho  — Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ayaa hambalyo ku aaddan munaasabadda Ciidul Fitriga u diray shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka ku nool magaalada Muqdisho.

 

Guddoomiyaha ayaa shacabka ugu rajeeyay Ciid farxad leh oo ku dheehan nabad, barwaaqo iyo is-jaceyl, isagoo Alle uga baryay in laga aqbalo cibaadooyinkii bishii barakaysnayd ee Ramadan.

Sidoo kale, Duqa Muqdisho ayaa ku booriyay shacabka inay sii xoojiyaan wadajirka, is-kaashiga iyo ilaalinta nabadda caasimadda, si loo gaaro horumar waara.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa shacabka ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan bilicda iyo horumarka magaalada Muqdisho, isagoo mar kale u rajeeyay Ciid mubaarak ah.May be an image of ‎text that says "‎III مبارک مبا عبد CIID MUBAARAK Waxaan Guud ahaan Umadda Muslimka ah, Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan Shacabka Gobolka Banaadir ugu hambaliyaynayaa Munaasabadda Ciiddul Fitriga oo caawa no bilatay. Ciiddu waa munaasabad farxadeed oo nagu waajibinaysa in aan xil gaar ah iska saarno ka-farxinta ubadka iyo qoysaska danta yar. Waxaan bulshada ugu in si i la mid ah Bishii Ramadaan, aan maalmaha Ciiddana sii joogteyno is-kaalmeynta iyo iska-wargabka dhexdeenna ah. Ku Wada Ciida Ciid Wanaagsan. Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdısho‎"‎

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here