Madaxweyne Xasan Sheekh oo Gandarshe kula ciidday ciidamada xoogga dalka

0

Gandarshe, Soomaaliya — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa cutubyo ka mid ah Ciidamada Qalabka Sida iyo dad shacab ah kula ciidday deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeellada Hoose munaasabadda Ciidul Fitriga.

 

Madaxweynaha ayaa hambalyo la wadaagay shacabka Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in Ciidul Fitrigu ay astaan u tahay is-jacaylka, midnimada iyo is-garab istaagga bulshada Muslimiinta ah.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale dib u milicsaday xusuustiisii hore ee deegaanka dalxiiseedka Gandarshe, isagoo xusay in burburka iyo duruufaha ka muuqda kaabayaasha deegaanka ay tusaale u yihiin saameynta ay reebeen kooxaha Khawaarijta. Madaxweynaha ayaa faray hay’adaha dowladda in ay xoogga saaraan dib u dhiska iyo horumarinta deegaanka.

Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boorriyey shacabka Soomaaliyeed in ay sii joogteeyaan dhaqammada wanaagsan ee lagu dadaalay bishii barakaysnayd ee Ramadan, gaar ahaan garab istaagga ciidamada difaacaya dalka, u gargaaridda dadka danyarta ah, iyo ka shaqeynta danta guud.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa Alle ka baryay in uu dalka ku gallado amni, xasillooni iyo barwaaqo.May be an image of one or more people and treeMay be an image of child and textMay be an image of one or more people, headscarf and tree

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here