Bay — Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), oo kaashaneysa Wasaaradda Gargaarka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa gurmad biyo dhaamin ah gaarsiisay deegaannada Daaniyaa iyo Majiido oo hoos taga degmada Bardaale ee gobolka Baay.
Gurmadkan ayaa qeyb ka ah dadaallada socda inta lagu guda jiro Todobaadka Gurmadka Abaaraha, si loo yareeyo saameynta abaarta ba’an ee ku habsatay bulshada ku nool deegaannadaasi, iyadoo baahida biyaha ay noqotay mid aad u daran.
Mas’uuliyiinta Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA) ayaa sheegay in howlaha gurmadka ay sii socon doonaan, isla markaana la gaarsiin doono deegaanno kale oo ay abaartu si xooggan u saameysay, si loo badbaadiyo nolosha dadka nugul.
Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa si weyn u soo dhoweeyay gurmadkan, iyagoo muujiyay baahida joogtada ah ee ay u qabaan biyo iyo adeegyo kale oo aasaasi ah.





