Xuddur – Maamulka Gobolka Bakool iyo kan Degmada Xuddur ayaa si adag uga hor yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), iyagoo ku eedeeyay inuu si sharci darro ah xilka ugu joogo maamulkaasi.
War ay si wadajir ah u soo saareen mas’uuliyiinta gobolka iyo degmada ayaa lagu sheegay in ay taageero buuxda la garab taagan yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana ay si toos ah ula shaqeyn doonaan dowladda federaalka ilaa laga helo maamul ay ku tilmaameen mid sharci ah oo ka jira Koonfur Galbeed.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale sheegay inay taageersan yihiin dastuurka dalka ee dhowaan uu ansixiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku baaqay in la ilaaliyo nidaamka dowladnimada iyo sharciga.
Go’aankan ayaa imanaya xilli ay sii xoogeysanayso xiisadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Xiisaddan ayaa sidoo kale saamayn ku yeelatay xaaladda amni ee gobolka, iyadoo warar soo baxaya ay sheegayaan in dagaal xooggan uu dhowaan dhex maray ciidamada Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo kooxo mucaarad ah oo la sheegay inay taageero ka helayaan dowladda federaalka, inkastoo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi.
Xiisadda u dhaxaysa Dowladda Federaalka iyo maamulka Koonfur Galbeed ayaa haatan u muuqata mid sii xoogeysanaysa, iyadoo wararka qaar ay tilmaamayaan in kala jab uu soo kala dhex galay ciidamada maamulka, kuwaas oo qaarkood u kala safanayaan dhinacyada ay ka taagan tahay khilaafka siyaasadeed.




