Xildhibaan Odawaa oo shaaciyay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2026

0

Muqdisho – Xoghayaha Guud ee Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka(JSP), Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen (Odawaa), ayaa Shabelle tv u xaqiijiyay inuu u taagan yahay xilka Madaxweynaha Soomaaliya 2026.

 

Odawaa ayaa sheegay in qorshaha uu doorashada ku galayo uu dhawaan taageerayaashiisa u soo bandhigi doono. Balse hadda, wuxuu xaqiijin karaa in isaga iyo kooxdiisu go’aamiyeen inuu isu taago xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya doorashada la filayo inay ka qabsoonto dalka sanadkan 2026 taas oo micnaheedu yahay in md hassan sheikh uusan musharax u ehyn xisbiga JSP

“Mas’uul khibrad siyaasadeed leh oo jiilkii hore la soo shaqeeyay, dhallinyaradana la jaanqaadi karo, baahiyahooda fahmaayo, aqoon lagu maareeyn karana leh ayuu dalkeena u baahan yahay,” ayuu ku soo koobay Odawaa hadalkiisa.

Shabelle ayaa ogaatay in khilaaf xooggan uu soo kala dhex galay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xildhibaan Odawaa, kadib markii uu Odawaa ku wargeliyay inuu yahay musharrax madaxweyne. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa isna horay u xaqiijiyay inuu xilka madaxweynenimo mar afaraad u taagan yahay.

Xeeldheerayaasha siyaasadda ayaa aaminsan in arrinkan uu burbur u keeni karo Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka, ama ugu yaraan uu ururka u kala jabi karo laba garab, taasoo.

Odawaa, oo laba jeer xildhibaan soo noqday isla markaana mar wasiir arrimaha gudaha ah, ayaa Xasan Sheekh ka dambeeyay Guddoonka Jaamacadda Simad, halkaasoo ay saaxiibo dhow ahaayeen muddo dheer. Tallaabadan ayaa timid kadib markii Odawaa uu dhaliilsanaa hab-maamulka madaxweynaha muddo xileedkan iyo inuusan talada ka qeyb galin.

Ururka oo Xoghayaha Guud ka yahay Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa, kama qeyb qaadan ololihii wax ka beddelka dastuurka, sidoo kalena soo dhoweyntiisa wuu ka gaabsaday, taasoo dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan in ururkaan uusan xisaabta ugu jirin madaxweyne xassan sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here