MUQDISHO, Soomaaliya – Habeenkii xalay oo taariikhdu ku beegnayd 25-ka Oktoobar 2021, Muqdisho waxa ay marti-gelisay silsilado weeraro ah oo muujinaya isbeddelka xeeladeed ee kooxda hubeysan ee Al-Shabaab, kuwaas oo hadda xoogga saaraya in shaqaalaha dowladda lagu beegsado marinnada ugu dambeeya ee guryahooda (Home-entry attacks).
Ilo ammaan ayaa sheegay in baaris horudhac ah oo lagu sameeyey dhacdooyinkii xalay ka dhacay degmooyinka Wadajir iyo Waaberi ee magaaladda Muqdisho, ayaa muujinaya in weeraradu aysan ahayn kuwo kedis ah, balse ay ahaayeen hawlgalo sirdoon oo horey loo sii qorsheeyey.
Mid kamid ah dhacdooyinkii amni darro ee xalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahayd weerar laga fuliyey degmada Waaberi gaar ahaan Waaxda Shanaad ee Maajo oo ah Waaxda ugu deegaanka badan degmadaas. Weerarkaas oo ku beegnaa abaare waqti u dhaxeeyey 9:10PM – 9:20PM, ayaa muujiyey weji kale oo ah beegsiga tooska ah (Direct Targeting). Ikraan Maxamuud Xaydar oo ka tirsan Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Soomaaliya ayaa markii labaad muddo labo bilood gudaheed ah ka badbaaday isku day khaarajin ah.
Cusmaan Wardheere oo ka mid ah dadka xaafadda deggan ayaa xusay in weerarkii xalay loo adeegsaday bambo-gacmeed “Grenade”, ayaan u muuqan kaliya isku day dil, balse u muuqday mid “fariin argagaxin ah” loogu dirayo Ikraan iyo guud ahaan qoyskeeda. Ikraan oo sida aan ogaanay ah hooyo umul ah, haddana taasi kama hor istaagin kooxda Argagixisada Al-Shabaab in ay hoygeeda ku weeraraan qarax waxyeello gaarsiiyey Saygeeda Cabdinajiib Madoobe oo mid kamid ah lugihiisa uu qaraxu burburiyey iyo sidoo kale mid ka mid ah carruurteeda oo xoguhu sheegayaan in dhaawac culus uu madaxa kasoo gaaray.
Dhanka kale, dhacdo kale oo daqiiqado kooban ka horeysay midaas ayaa aheyd weerar rasaaseed oo ka dhacay degmada Wadajir, dhacdadaas ayaa tilmaameysa dhabbe-gal loo geystay shakhsiyaad lala socday dhaqdhaqaaqooda oo kala ah Labo Xidigle katirsanaa Booliiska Soomaaliya oo magaciisu ahaa Maxamed Dhaqane iyo Xaaskiisa oo iyadana magaceeda lagu soo koobay Raxmo, sida saraakiisha ammaanku sheegeen.
Ilaha ammaanka ayaa caddeeyay in Sarkaalkaan oo ka tirsanaa laanta canshuuraha ee Booliis-ka iyo xaaskiisa oo ka tirsan howlwadeenada Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa la weeraray xilli ay ku jireen xaaladdii ugu nuglayd ee dhinaca amniga, taas oo ah xilliga qofku uu ka degayo gaadiidka si uu hoygiisa u galo. Toogashada loo geystay qosykaan ayaa ka dhacday irrida gurigooda xilli waqtigu qiyaastii ahaa 8:40PM ee xalay, iyadoo toogashadaasi keentay geerida sarkaalka iyo dhaawaca xaaskiisa Raxmo, taas oo calaamad u ah in bartilmaameedku ahaa qoyska oo dhan.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in sare u kaca weeraradani uu walaac weyn ku abuuray hay’adaha amniga iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda. Xaqiiqada ah in shaqaalaha lagu beegsanayo xaafadahooda marka ay shaqada ka soo noqdaan, waxay muujinaysaa in kooxda Al-Shabaab oo weeraradaan ka dambeysa ay dhex gashay xaafadaha shacabka, ayna heyso ama si fudud ku heleyso xogta qoysaska ay xubnahoodu dowladda u shaqeeyaan.
Weeraradaan xalay dhacay waxa ay markale su’aal gelinayaan habka ilaalinta shaqaalaha dowladda ee degan meelaha ka baxsan aagga ay ku badanyihiin hay’adaha dowlada, xilli kooxda Al-Shabaab ay si cad ugu dhawaaqday inay kordhisay hawlgalada ka dhanka ah cid kasta oo xiriir la leh nidaamka dawladnimo ee Soomaaliya.
Laamaha ammaanka dowladda gaar ahaan Boliiska oo aan ogaanay in ay si deg deg ah u gaareen laba gooboodba isla markii ay weeraradu ka dhaceen ayaa meydka sarkaalkii Boliiska ahaa iyo dhaawacyadii kala duwan ee ka dhashay labadii weerar ee xalay kala geeyey goobaha caafimaadka ee kala ah Isbitaallada Digfeer iyo Madiina ee magaalada Muqdisho.




