Taliyaha CXD oo kulan la qaatay Saraakiil Mareykan ah

0

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay Taliyaha Taliska Hawlgallada Gaarka ah ee Mareykanka ee Afrika, Claude K. Tudor, kaas oo ka dhacay Muqdisho.

 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga, horumarinta iyo tayeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyo dardargelinta howlgalada lagula dagaallamayo kooxda Al-Shabaab.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay leedahay kordhinta tababarrada ciidamada, is-dhaafsiga khibradaha milatari, iyo bixinta taageero farsamo oo sare u qaadaysa awoodda Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale, waxaa la isku raacay in la sii xoojiyo wada shaqeynta u dhaxaysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamka, si loo xaqiijiyo amni waara oo dalka ka hirgala, gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan dadaallada lagu xasilinayo dalka iyo howlgalada wadajirka ah ee lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here