Bakool – Qaar ka mid ah senatarada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kasoo jeeda koonfur galbeed ayaa weerar afka ah ku qaaday Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen, iyagoo ku eedeeyay inuu door ku leeyahay xiisadaha ka taagan deegaannada maamulkaasi.
Senator Xuseen Sheekh ayaa sheegay in Madaxweyne Lafta Gareen uu horseed ka yahay khilaafaadka iyo dhaqdhaqaaqyada iska soo horjeeda ee ka jira Koonfur Galbeed, xilli ay sii kordhayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee halkaasi ka aloosan.
DAAWO.



