Baydhabo – Gudiga Madax-bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan wada-tashi ah la yeeshay Odeyaasha Dhaqanka, kaas oo diiradda lagu saaray dardargelinta arrimaha doorashooyinka ee maamulkaasi.
Kulankan ayaa si qoto dheer loogu falanqeeyay doorka muhiimka ah ee odeyaasha dhaqanka ay ku leeyihiin hirgelinta doorashooyin hufan, wacyigelinta bulshada, iyo dhiirrigelinta ka qaybgalka dadweynaha.
Sidoo kale, waxaa kulanka lagu gorfeeyay caqabadaha jira iyo sidii xal waara loogu heli lahaa, si loo xaqiijiyo in doorashooyinku ku dhacaan si nabdoon, cadaalad ah, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
Gudiga ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashi dhow oo dhex mara hay’adaha dowliga ah iyo bulshada, gaar ahaan odeyaasha dhaqanka oo door muhiim ah ka ciyaara nabadda iyo xasilloonida deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhankooda, odeyaasha dhaqanka ayaa soo dhoweeyay kulanka, iyagoo muujiyay diyaar-garow buuxa oo ay ku taageerayaan hannaanka doorashooyinka, isla markaana ku baaqay in la joogteeyo wada-tashiyada noocan oo kale ah si loo sii xoojiyo kalsoonida iyo wadashaqeynta bulshada.
Arrintan ay imaaneyso xilli ay jiraan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo is diidan, iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ciidamo badan ku daabuleyso qaar ka mid ah deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, taasi oo kaga soo horjeedaan qorshayaasha doorasho ee uu maamulkaasi wado.





