NAIROBI – Israel ayaa sheegtay in Iran ay leedahay awood gantaallo oo gaari karta qaybo ka mid ah Bariga Afrika, oo ay ku jiraan magaalooyinka Mogadishu, Addis Ababa, Nairobi iyo Juba, sida ay sheegtay Safaaradda Israa’iil ee Kenya.
Bayaan ay safaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in masaafad gaaraysa 4,000 kiiloomitir oo ka bilaabata Tehran ay si toos ah u gaari karto inta badan Geeska Afrika iyo qaybo ka mid ah Bariga Afrika, taasoo muujinaysa in gobolkaasi uu ku jiro xadka ay gaari karaan gantaallada fog-dheer.
Warbaahinta ayaa sidoo kale sheegtay in Israa’iil ay ka digtay in Iiraan ay haysato gantaallo dhaadheer oo awood u leh inay gaaraan Afrika iyo meelo ka baxsan Bariga Dhexe.
Safaaradda Israa’iil ee Kenya ayaa tilmaantay in Addis Ababa ay qiyaastii 3,200 km u jirto Tehran, halka Mogadishu ay u dhaxeyso 3,700 ilaa 3,800 km, taasoo ka dhigaysa mid ku jirta xadka la sheegay. Sidoo kale Juba ayaa wax ka yar 4,000 km u jirta, halka Nairobi ay ku dhowdahay xadka ugu dambeeya ee masaafaddaas.
Bayaanka ayaa lagu xusay in masaafaddan ay muujinayso in Bariga Dhexe iyo marinka Bariga Afrika ay yihiin deris juqraafiyeed oo isku dhow, taasoo kor u qaadaysa doodaha amni ee ku saabsan awoodaha gantaallada ee gobolka.
Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo colaaadda u dhexeysa Iran iyo Mareykanka ay sare u kacday, isla markaana saameynta ay gaaryeso meelo ka baxsan Bariga Dhexe.




