Taliyaha Ciidanka Dhulka Soomaaliya oo Ka Qayb Galay Shirka lagu qabtay Talyaaniga

0

Rome – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa magaalada Rome ee dalka Italy kaga qayb galay shirka African Land Forces Summit 2026.

Shirkan oo ay soo qabanqaabiso dowladda Mareykanka, islamarkaana sanad walba la isugu keeno taliyeyaasha ciidamada dhulka ee qaaradda Afrika iyo bahwadaagtooda caalamiga ah, ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga amniga, horumarinta awoodaha ciidamada, iyo la tacaalidda caqabadaha amni ee wadajirka ah.

Sanadkan, doodaha shirka ayaa si gaar ah ugu saabsanaa doorka sii kordhaya ee tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn (drones), iyo sida ay u beddelayaan qaabka hawlgallada militari iyo qorsheynta istaraatiijiga ah.

Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar ayaa intii uu shirka socday si guud uga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta isku dubaridka hawlgallada iyo horumarinta nidaamyada wadaagga macluumaadka, si loo xaqiijiyo waxtarka iyo isku xirnaanta hay’adaha amniga.

Taliyaha ayaa sidoo kale khudbaddiisa ku muujiyay doorka sii kordhaya ee tiknoolajiyadda casriga ah, gaar ahaan drones-ka, iyo saamaynta ay ku leeyihiin qaab-dhismeedka hawlgallada militari ee maanta, gaar ahaan hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay baahida joogtada ah ee loo qabo horumarinta awoodaha ciidanka, tababar xirfadeed oo joogto ah, iyo xoojinta iskaashiga heer qaran iyo heer caalami.

Ugu dambeyn, Taliyaha ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta shacabka iyo in howlgalada lagu fuliyo si waafaqsan sharciyada iyo anshaxa dalka iyo kuwa caalamiga ah.

May be an image of textMay be an image of text that says "7 KENYA FORCES FORCES DEFENCE"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here