Baydhabo – Maamulka Koonfur Galbeed Somaliya ayaa si rasmi ah u shaaciyay liiska xildhibaannada Baarlamaanka 3-aad ee dowlad-goboleedkaasi, iyadoo tallaabadan ay dhalisay muran siyaasadeed oo cusub.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqay magacyada xildhibaannada cusub, kuwaas oo la filayo inay door muhiim ah ka qaataan hannaanka siyaasadeed ee maamulkaasi.
Si kastaba ha ahaatee, arrintan ayaa si adag uga hor imaanaysa mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo horey u qorsheysay in dalka laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliy ayaa u muuqda inuu doorbidayo in la qabto doorasho dadban, taasoo ka dhigan in odayaal iyo ergooyin gaar ah ay soo xulaan xubnaha baarlamaanka, halkii ay shacabka si toos ah u dooran lahaayeen.
Khilaafkan ayaa muujinaya kala aragti duwanaanta u dhaxeysa dowlad-goboleedyada iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka iyo Wax-ka badalkii lagu sameeyey Dastuurka dalka.







