Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed

0

Baydhaba – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan muhiim ah la qaatay qaybo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray arrimo muhiim u ah dalka, oo ay ka mid yihiin xoojinta nabadda iyo dib u heshiisiinta bulshada, adkeynta geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, gurmadka abaaraha, iyo horumarinta dowladnimada.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Odayaasha ku bogaadiyey doorkooda taariikhiga ah ee ay ka qaataan ilaalinta midnimada iyo wadajirka bulshada, xalinta khilaafaadka, iyo taageerada geeddi-socodka dowlad-dhiska. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada shaqeynta u dhexeysa dowladda iyo hoggaanka dhaqanka si loo gaaro horumar iyo xasillooni waarta.

Dhankooda, Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ayaa Madaxweynaha uga mahadceliyey booqashada iyo dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka ay ku bixinayso nabadeynta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanada Koonfur Galbeed. Waxay sidoo kale muujiyeen taageeradooda ku aaddan qorshayaasha qaran ee lagu xoojinayo dowladnimada iyo dimuqraadiyadda dalka.May be an image of one or more people and textMay be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here