Ciidanka Danab oo Howlgallo Amni Xaqiijin ah ka Fuliyay Deegaanno ka Tirsan Buur Hakaba

0

Bay, Soomaaliya – Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab, gaar ahaan Ururka 165-aad ee Guutada 16-aad, ayaa howlgallo amni xaqiijin ah ka fuliyay deegaano hoos yimaada Degmada Buur Hakaba ee Gobolka Bay.

 

Howlgalladan oo si qorsheysan loo abaabulay ayaa laga fuliyay deegaanada kala ah Bansoole, Balow, Urka Shinbiroow iyo Abowle, kuwaas oo ay si dhuumaaleysi ah kusoo geli jireen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo dhibaatooyin kala duwan ku hayay shacabka ku nool deegaannadaasi.

Ciidanka Danab ayaa intii uu socday howlgalka sameeyay baaritaanno amni iyo xaqiijin, iyagoo meesha ka saaray khataro amni oo ay maleeshiyaadku ku hayeen dadka rayidka ah, isla markaana xoojiyay sugidda nabadgelyada guud ee deegaannada la howlgallay.

Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ujeeddadu ahayd ciribtirka kooxaha nabad-diidka ah iyo ka hortagga weerarro ay ka geystaan goobaha ay shacabka degan yihiin.

Dhanka kale, bulshada ku dhaqan deegaanada laga fuliyay howlgalada ayaa si diirran u soo dhaweeyay ciidanka Kumaandooska Danab, iyagoo muujiyay taageeradooda ku aaddan dadaallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab iyo dib u soo celinta amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here