Madaxweyne Xasan Sheekh “Koonfur Galbeed waxay noqon doontaa maamulkii ugu horreeyay ee laga hirgeliyo doorashada Qof iyo Cod

0

Baydhabo – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Hoggaamiyaha KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ka qeyb galay munaasabad ballaaran oo ay haweenka Koonfur Galbeed ku muujiyeen taageeradooda ku aaddan hirgelinta doorashooyinka qof iyo cod.

 

Munaasabadda oo ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa lagu muujiyey doorka muhiimka ah ee haweenku ku leeyihiin horumarinta dimuqraadiyadda, nabadda iyo dhismaha dowladnimo casri ah oo ku dhisan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabadda ayaa faahfaahin ka bixiyey qorshaha dowladda ee hirgelinta doorashooyinka tooska ah, isaga oo sheegay in Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed uu noqon doono maamulkii ugu horreeyay ee dalka laga hirgeliyo doorashooyinka qof iyo cod.

Madaxweynaha ayaa xusay in dowladda ay ka go’an tahay in shacabka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqdooda dastuuriga ah ee doorashooyinka tooska ah, si loo xoojiyo dimuqraadiyadda iyo dowladnimada dalka.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay dhammaan bulshada Koonfur Galbeed in ay xoojiyaan wada noolaanshaha, is-ixtiraamka iyo taageerada geeddi-socodka dimuqraadiyeynta dalka. Waxa uu sidoo kale caddeeyey in aan wax dambi ah loo haysan saraakiishii iyo mas’uuliyiintii maamulkii hore ee Koonfur Galbeed, isaga oo ku baaqay in laga gudbo khilaafaadkii hore si loo wada dhiso mustaqbal mideysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here