Soomaaliya oo Markii Ugu Horreysay La Wareegtay Kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga Afrika

0

Muqdisho  – Soomaaliya ayaa taariikh cusub ka gashay fagaaraha diblomaasiyadda Afrika kadib markii ay si rasmi ah ula wareegtay kursiga Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika (PSC), tan iyo markii la aasaasay sanadkii 2003.

 

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa loo doortay xubinnimada Golaha bishii February 2026, iyadoo ay hayn doonto muddo labo sano ah. Doorashadan ayaa loo arkaa mid muujinaysa kalsoonida sii kordheysa ee dalalka Afrika ay ku qabaan doorka Soomaaliya ee arrimaha nabadda iyo amniga gobolka.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Itoobiya iyo Midowga Afrika, Abdullahi Warfaa, ayaa si rasmi ah calanka Soomaaliya uga taagay xarunta Golaha Nabadda iyo Amniga, taas oo astaan u ah bilowga xilka cusub ee dalka.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa tallaabadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo kor u qaadeysa sumcadda iyo kaalinta Soomaaliya ee masraxyada caalamiga ah. Waxay sidoo kale xuseen in dalka uu door muuqda ka qaadan doono dadaallada lagu xoojinayo nabadda, xasilloonida, iyo iskaashiga dalalka Afrika.

Kursigan ayaa Soomaaliya siinaya fursad muhiim ah oo ay si toos ah uga qayb qaadato go’aannada la xiriira xalinta khilaafaadka, hawlgallada nabad ilaalinta, iyo amniga guud ee qaaradda Afrika.

Dhacdadan ayaa ka tarjumaysa horumarka diblomaasiyadeed ee dalka iyo doorka sii kordhaya ee uu ku leeyahay arrimaha qaaradda Afrika.May be an image of text that says "African ปกเก SECURITY AUPEACE& Union Union COUNCIL BeK adiconion л SOMALIA 2026 2026-2028 2028 Peuthao N Contact ibracica fel.25111 2511 fel."May be an image of one or more people and dais

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here