Addis Ababa, Ethiopia – Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, H.E. Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si rasmi ah u daah-furay wareegga 16-aad ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka (PSC), xilli munaasabad heer sare ah lagu qabtay xarunta Midowga Afrika.
Guddoomiyaha ayaa khudbaddiisa ku adkeeyay in Midowga Afrika ay ka go’an tahay horumarinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida guud ahaan qaaradda, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay ku dhaqanka mabaadi’da dastuuriga ah ee ururka.
Xubnaha cusub ee Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee la doortay ayaa kala ah dalalka Benin, Gabon, Soomaaliya, Koonfur Afrika, Lesotho, iyo Marooko. Sidoo kale, waxaa dib loo doortay Côte d’Ivoire, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Sierra Leone, iyo Uganda.
Arrinta ugu mudan ee la xusay ayaa ah in Soomaaliya ay markii ugu horreysay kursi ka heshay Golaha, taasoo loo arko guul diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo muujinaysa kaalinta sii kordheysa ee dalka ee arrimaha gobolka iyo qaaradda.
Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf ayaa hambalyo u diray xubnaha cusub, isagoo ku booriyay in ay si buuxda u gutaan waajibaadka culus ee saaran. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xubinnimada Golaha ay la socoto masuuliyad weyn oo ku saabsan ilaalinta nabadda iyo amniga Afrika.
Sidoo kale, wuxuu Golaha ku dhiirrigeliyay in ay xoogga saaraan diblomaasiyadda ka hortagga khilaafaadka, horumarinta nidaamyada digniinta hore, iyo xallinta khilaafaadka si wadajir ah, si loo gaaro xalal waara oo ka turjumaya rabitaanka shacabka Afrika.
Dhacdadan ayaa muujinaysa dadaalka joogtada ah ee Midowga Afrika ee lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida qaaradda, iyadoo xubnaha cusub laga filayo inay door firfircoon ka qaataan himilooyinkaasi.




