LONDON – Nin u dhashay dalka Ingiriiska ayaa lagu soo oogay dambiyo la xiriira inuu ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya. Booliska magaalada London ayaa sheegay in Jermaine Grant, oo 43 jir ah, lagu eedeeyay inuu agaasimayay dhaqdhaqaaqyada kooxdaas intii u dhaxeysay dhammaadkii sannadkii 2007 ilaa bilowgii 2010.
Grant ayaa sidoo kale wajahaya eedeymo kale oo ay ka mid yihiin inuu saddex jeer ka qayb qaatay tababaro ciidan oo lagu qabtay xeryaha Al-Shabaab ee magaalada Kismaayo, iyo inuu haystay hubka nooca AK47 ah isagoo u adeegsanayay ujeedooyin argagixiso. Baaritaan ay sameeyeen qaybta la dagaalanka argagixisada ee booliska London ayaa horseeday in ninkan maxkamad la soo taago.
Frank Ferguson oo madax ka ah qaybta dambiyada gaarka ah ee xafiiska xeer-ilaalinta ayaa xaqiijiyay in go’aanka dacwad u oogista uu yimid ka dib markii la helay caddaymo ku filan oo muujinaya lugta uu Grant ku lahaa falalka Al-Shabaab ee ka dhacay Soomaaliya intii u dhaxeysay 2008 ilaa 2009.
Jermaine Grant ayaa la filayaa inuu maanta ka soo muuqdo maxkamadda Westminster si looga dhageysto eedeymaha loo haysto. Mas’uuliyiinta dalka Ingiriiska ayaa sidoo kale uga digay dadweynaha iyo saxaafadda inay ka fogaadaan wax kasta oo faragelin ku sameyn kara habka cadaaladda inta dacwaddu ay socoto.




