GAALKACYO – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa fuliyay hawlgal qorsheysan oo dhanka cirka ah, kaas oo lagu bartilmaameedsaday Al-Shabaab, xilli ay isku uruursanayeen nawaaxiga Tawarmooge, oo qiyaastii 8 km koonfur kaga beegan Caad, isla markaana 45 km woqooyi kaga beegan Xarardheere, ee gobolka Mudug.
Duqayntan ayaa lala beegsaday fariisin ay kooxdu ku diyaarinaysay weerarro, si ay u carqaladeeyaan amniga iyo xasilloonida guud ee dalka.
Hawlgalkan waxaa lagu dilay qiyaastii 70 xubnood, oo ay ku jiraan hogaamiyeyaal, halka lagu dhaawacay inta u dhexaysa 90 ilaa 95 dhagarqabe. Sidoo kale, hawlgalkan waxaa lagu burburiyay 8 gaadiid dagaal, oo ay ku jiraan kuwa saadka oo siday saanad ciidan.
Wasaaradda Gaashaandhigga waxay mar kale adkaynaysaa in hawlgallada lagu ciribtirayo Al-Shabaab ay si joogto ah u socdaan, isla markaana Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ka go’an tahay burburinta awoodda kooxda iyo ka hortagga khatar kasta oo ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.





