Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa daah-furay shir looga hadlayay la qabsiga isbeddelka cimilada iyo xoojinta adkeysiga bulshada, kaas oo ka dhacay magaalada Muqdisho.
Shirka ayaa waxaa soo qabanqaabiyay hay’adaha CARE International iyo SOMREP, waxaana diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa dadaallada la xiriira yareynta saameynta isbeddelka cimilada iyo musiibooyinka dabiiciga ah.
Guddoomiyaha SoDMA ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay dardargelinta hirgelinta habab ku saleysan digniin hore iyo tallaabooyin horudhac ah, si looga hortago saameynta musiibooyinka ka dhasha isbeddelka cimilada.
Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa sidoo kale tilmaamay in abaaraha soo noqnoqda ay si weyn u saameeyeen nolosha dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan dhinacyada sugnaanta cuntada iyo dhaqaalaha, taasoo keentay baahi weyn oo loo qabo horumarinta nidaamyada digniinta hore si loo yareeyo khasaaraha ka dhasha musiibooyinka.
Sidoo kale, wuxuu xusay muhiimadda isku-xirka xogta cimilada iyo hab-nololeedka bulshada, gaar ahaan deegaannada xoolo-dhaqatada, si loo helo qorsheyn wax ku ool ah oo ku saabsan dhaqdhaqaaqa xoolaha, helitaanka daaqa iyo biyaha, iyo sidoo kale suuqyada.
Guddoomiyaha ayaa intaa ku daray in horumar laga sameeyay nidaamyada digniinta hore iyo tallaabooyinka horudhaca ah, balse ay lama huraan tahay in la sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya hay’adaha dowladda iyo bah-wadaagta caalamiga ah.
Ugu dambeyn, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa caddeeyay in dowladda ay ka go’an tahay dhismaha bulshooyin adkeysi leh, iyadoo la hirgelinayo habab wax ku ool ah oo lagu yareynayo saameynta musiibooyinka iyo isbeddelka cimilada.






