ANKARA – Xukuumadda Ankara ayaa shaaca ka qaadday inay dardargelinayso qorshaheeda ay ku raadsanayso kheyraadka tamarta ee dibadda, iyadoo tilmaantay in baaritaannada shidaal ee ay ka kawado badda Soomaaliya ay xal u yihiin baahida weyn ee dhanka tamarta ee dalka Turkiga.
Maadaama Turkigu yahay waddan ay ku nool yihiin dad ka badan 86 milyan, wuxuu wajahayaa caqabad dhanka dhaqaalaha ah maadaama uu saddex meelood meel tamarta uu isticmaalo ka soo iibsado suuqyada caalamka.
Arrintan ayaa keentay in Ankara ay culeys weyn kala kulanto sicir bararka tamarta, gaar ahaan xilli ay qalalaase ka jiraan gobollada sahayda laga keeni jiray sida Iiraan iyo Ukraine.
Wasiirka tamarta iyo kheyraadka dabiiciga ah ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa ku tilmaamay howlgallada ka socda Soomaaliya inay yihiin “bog cusub” oo u furmay amniga tamarta ee dalkiisa.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in bartilmaameedkooda ugu weyn uu yahay inay ka baxaan ku tiirsanaanta shidaalka iyo gaaska ay ka keensadaan dalalka kale.
Sida uu dhigayo heshiiska ay wada gaareen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga, Ankara ayaa heli doonta boqolkiiba 90 (90%) dakhliga ka soo baxa shidaalka laga soo saaro xeebaha Soomaaliya.
Tallaabadan ayaa loo arkaa mid xoojinaysa xiriirka istaraatiijiyadeed ee labada dal, isla markaana Turkiga siinaysa fursad uu ku xaqiijiyo sahay xasiloon oo tamar ah xilli caalamka ay ka jiraan colaado saameeyay qiimaha shidaalka.




