Madaxweyne Xasan Sheekh oo Ka Qeyb Galay Madasha Antalya

0
Antaaliya -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay Madasha Hoggaamiyeyaasha Diblumaasiyadda Antaaliya ee dalka Turkiga, taasi oo ka qayb galayaan madax dowladeed, diblumaasiyiin iyo hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka socda caalamka, si ay u wadaagaan aragtiyo togan oo ku aadan xaaladda caalamka iyo doorka diblomaasiyadda casriga ah ee xal u helidda caqabadaha caalamiga ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay muhiimadda diblomaasiyadda ee dhisidda kalsoonida, kobcinta xiriirrada saaxiibtinimo iyo xasilinta caalamka, isaga oo tilmaamay in dunida maanta ay si weyn ugu baahan tahay wada-hadallo miro dhal ah iyo iskaashi dhab ah oo lagu wajahayo arrimaha amniga, horumarka iyo xasilloonida.
Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay doorka firfircoon ee Soomaaliya ay ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah, gaar ahaan xubinnimada aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isaga oo xaqiijiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda dadaallada diblomaasiyadda dhinacyada badan leh, ilaalinta nabadda, amniga caalamiga ah iyo xoojinta iskaashiga caalamka.May be an image of text that says "แลิบ ANTALYA DIPLOMACY FORUM ANTALYA CMACY FCRUM ANTALYA DIPLOMACY FORUM ANTA D.PLOMACY FORUM ANTALYA MPLOMACI MACY FORUM DIPLOMACY FORUM ANTALYA DIFLOMACY FORUM ANTALYA DIPLOMACY MACY FORUM ANTALYA DPLOMACY FORUM ANTALYA DIPLOMACY ACY FORUM ANTALYA DIPLOMACY FORUM ANTALYA DIFLOMACY ANTALYA PLOMACY ACY FORUM ANTALYA DIPLOMAC FORUM ANTALYA DIPLOMACY FORUM ANHAI DPLOMACY FORLIAS AN ANTALYA LOMACY FORUM DIPLOMACY ANTALYA DIPLOMACY FORUM 色 ANTALYA ACY e ANTALYA DIPLOMC FOROMA FORUI ANT. Benidagena"May be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people, newsroom, dais and text that says "ANTALYA ANTALTA OMACY DIPLOMACY ACY DIPLOMAC FORUM ล่ง ANTALYA DIPLOMACY FORUM ANTA DIPLC DIPLC FORU. ANTALYA DPLOMACY ANTOUACY MACY DP ADUM ANTALYA NDLONAC DIPLOMAC ACY FORUM ANTALYA DIPLOMACY ACY FORUM ANTALYA DIPLOMA FORUM ANTALY DIPLOMA FORUM ANGMACY DIPLO ANTALYA ANT IYA DIPLOMAC MACY FORUM ANTAL DIPLOM FORUM"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here