Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Baydhabo ka shir guddoomiyay kulan amni

0

Baydhabo – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa magaalada Baydhabo ku shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga guud ee magaalada iyo adkeynta xasilloonida gobolka Baay.

 

Shirka ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), iyo sidoo kale saraakiil ka socotay howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.

Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray xakameynta hubka sida sharci darrada ah loogu dhex wado gudaha magaalada Baydhabo, iyadoo saraakiisha amniga lagu faray in aan gudaha magaalada lagu dhex qaadan karin hubka culus sida gaadiidka lagu rakibay qoryaha waaweyn, BKM, RPG iyo noocyada kale ee la midka ah.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa shirka ka sheegay in loo baahan yahay in la xoojiyo howlgalada ka dhanka ah kooxaha nabad-diidka ah ee ku sugan deegaanno ka tirsan gobolka Baay, kuwaas oo sida uu sheegay lagu wiiqayo awoodda kooxda Al-Shabaab.

Wuxuu sidoo kale ku booriyay ciidamada kala duwan ee amniga in ay si wadajir ah u kordhiyaan feejignaanta iyo iskaashiga, si loo xaqiijiyo amni buuxa oo ka hirgala Baydhabo iyo guud ahaan gobolka Baay.May be an image of one or more peopleMay be an image of one or more people and beard

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here