Muqdisho – Musharrax madaxweyne Xasan Cali Khayre, oo kulamo siyaasadeed ka wada magaalada Muqdisho, ayaa la kulmay qaybo kala duwan oo bulshada ka mid ah, gaar ahaan dhallinyarada iyo haweenka oo door muhiim ah ka ciyaara horumarka iyo mustaqbalka Soomaaliya.
Kulamadan oo ka dhacay hoyga uu ka degan yahay Muqdisho ayaa diiradda lagu saaray aragtiyaha, talooyinka iyo walaacyada ay qabaan dhallinyarada iyo haweenka xilligan kala guurka ah. Waxaa si gaar ah looga hadlay khataraha ka dhalan kara mudda dhaafka baarlamaanka iyo waqtiga kooban ee ka haray muddo xileedka madaxweynaha.
Ka qeybgalayaasha kulamada ayaa si cad u muujiyay walaacooda ku aaddan barakicinta sii kordheysa, mudda dhaafka hay’adaha dowladda, hubanti la’aanta mustaqbalka siyaasadeed iyo heshiis la’aanta ka jirta masraxa siyaasadda dalka, xilli ay maalmo kooban ka harsan yihiin dhammaadka muddo xileedka madaxweynaha.
Dhanka kale, ka qeybgalayaashu waxay si weyn u soo dhoweeyeen dadaallada musharraxa iyo saamileyda kale ee siyaasadeed ee lagu doonayo in dalka looga badbaadiyo firaaq dastuuri ah iyo xasilooni darro siyaasadeed, iyagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la helo xal mideysan oo lagu wajaho marxaladdan adag.
Ugu dambeyn, Xasan Cali Khayre ayaa uga mahadceliyay ka qeybgalayaasha kulamada feejignaantooda, wacyigooda sare iyo sida ay uga go’an tahay danta dalka. Wuxuu ku booriyay in la xoojiyo midnimada iyo wada-shaqeynta si loo badbaadiyo dalka, loona gaaro Soomaaliya horumarsan, nabad ah oo xasiloon, isla markaana si nabad ah loogu kala wareego xukunka.




