Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda

0

Muqdisho — Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Xuseen Khaasim Yuusuf iyo Agaasimihii hore Mudane Mustafe Sheekh Cali Dhuxulow.

 

Munaasabadda xilwareejinta oo si rasmi ah u dhacday ayaa lagu soo bandhigay wax-qabadkii ay hay’addu gaartay muddadii la soo dhaafay, iyo sidoo kale qorshayaasha iyo halbeegyada mudnaanta leh ee la filayo in la hirgeliyo mustaqbalka dhow.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa xusay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyaddu ay tahay hay’ad laf-dhabar u ah sugidda amniga qaranka, gaar ahaan la socodka dhaqdhaqaaqyada ka socda xuduudaha dalka. Wuxuu sidoo kale tilmaamay in hay’addu ay door muhiim ah ka qaadato bixinta adeegyada asaasiga ah ee muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale, wuxuu carrabka ku adkeeyay in hay’addu ay si weyn ugu guuleysatay baahinta iyo fududeynta adeegyada baasaboorka iyo dukumiintiyada socdaalka, taas oo ka qeyb qaadatay daboolidda baahiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa kula dardaarmay Agaasimaha cusub inuu sii xoojiyo horumarka la gaaray, isla markaana kor u qaado tayada adeegyada ay hay’addu u hayso bulshada.May be an image of one or more people, suit, newsroom and text that says "Recent Discover Apps NeSignal Prime Vide ic irtamat"May be an image of one or more people, suit, newsroom and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here