Al-Shabaab oo weerar ku qaaday xarun ganacsi oo ku taalla Muqdisho + Sababta

0

Muqdisho – Faah-faahin dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar ay saaka xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ku qaadeen xarun ganacsi oo ku taalla waddada Maka Al-Mukarrama ee magaalada Muqdisho, taas oo lagu magacaabo Zoom Business Point.

 

Xarunta waxaa tegay laba nin oo hubeysan kana tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo rasaaseeyay shaqaalihii ku sugnaa goobta, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Bartilmaameedka weerarka ayaa ahaa maamulaha xarunta Zoom Business Point oo lagu magacaabo Abdulkadir Ali Ahmed, kaas oo ay Al-Shabaab dooneysay inay khaarijiso, balse nasiib wanaag wuu ka badbaaday isku-dayga dilka ah ee lala damacsanaa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in weerarka uu ku dhaawacmay mid kamid ah shaqaalaha nadaafadda ee xarunta oo xilligaas ku howlanaa shaqadiisa, kadib markii ay haleeshay rasaasta.

Intaas kadib maamule Abdulkadir Ali Ahmed ayaa lasoo wariyay inuu si dirqi ah kaga badbaaday weerarka, isaga oo ka baxay albaabka gadaale ee dhismaha xarunta ganacsi.

Sida ogaatay Idaacadda Shabelle, sababta loo beegsaday xaruntan ganacsi iyo maamulaheeda ayaa ah heshiis ay 21-kii October ee sanadkan 2025 la gashay Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo kaamirooyinka CCTV loogu xirayo degmooyinka gobolka, si loola socda dhaq-dhaqaaqa guud oo muhiim u ah howlaha amniga ee magaalada Muqdisho.

Zoom Business Point oo guda gashay howshan 5-tii November ee sanadkan ayaa ku guuleysatay in 2 degmo ay ku xirto kaamirooyinka, balse arrintaas waxay keentay in Al-Shabaab ay ka caroodaan, ayna bilaabaan beegsiga xaruntan iyo maamulaheeda, oo marar badan hanjabaad kala kulmay kooxda.

Weerarka uu hadda ka badbaaday Abdukadir waxaa ka horreeyay weerar kale oo lagu dilay mid kamid ah raggii u shaqeynayay xarunta, kaas oo dhacay 15-kii November ee 2025, waxaa kale oo ku xigtay in isla 17-kii bisha maamulaha gurigiisa lagu weeraray bam-gcmeed, kadibna uu isaga guuray, si uu ula baxsado naftiisa oo ay halis ku hayso kooxda Al-Shabaab.

Soomaaliya ayaa waxaa weli halis ku haysa argagixisada, waxaana badanaa ay beegsataa askarta, shaqaalaha dowladda iyo dadka la shaqeeyay hay’adaha amniga taas oo marar badan dhacday, haddane sidaas oo ay tahay Dowladda Federaalka ayaa wadda qorsheyaal waa wayn oo lagu sugayo amniga, waxaana kamid ah kaamirooyinka haatan lasoo kordhiyay, si dabagal loogu sameeyo cid kasta oo sameysa waxyaalo liddi ku ah amniga guud ee caasimadda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here