Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa magaalada Muscat kulan kula yeeshay Wasiirka Gaadiidka, Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Macluumaadka ee Sultanadda Cumaan, Said bin Hamoud Al Maawali.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada gaadiidka, isgaarsiinta iyo tiknoolajiyadda macluumaadka (ICT), si kor loogu qaado isku xirnaanta labada dhinac loona taageero isbeddelka dhijitaalka ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale, labada wasiir ayaa ka wada hadlay dardargelinta horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo sidii loo abuuri lahaa fursado cusub oo ganacsi iyo maalgashi oo u dhexeeya Muqdisho iyo Muscat.
Labada dhinac waxay isla qaateen in la sii qoto dheereeyo wada shaqeynta hay’adaha dowladda, iyadoo sidoo kale la fududeynayo ka qaybgalka ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo xoojinta iskaashiga farsamo.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in tallaabooyinkan ay gacan ka geysan doonaan hirgelinta himilada Soomaaliya ee ah inay noqoto xarun ganacsi, isku xirnaan iyo hal-abuur dhijitaal ah oo heer gobol ah.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda federaalka Soomaaliya ay ku ballaarinayso xiriirka diblumaasiyadeed iyo iskaashiga dhaqaale ee ay la leedahay dalalka Khaliijka, gaar ahaan Sultanadda Cumaan.







