SoDMA iyo Qaramada Midoobay oo Ka Wada Hadlay Xaaladda Bani’aadannimo ee Soomaaliya

0

Muqdisho – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta xarunta hay’adda ku qaabilay Ku-xigeenka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bani’aadannimada, Tom Fletcher, oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho.

 

Kulanka labada masuul, oo ay wehliyeen madax ka socota hay’adaha ka shaqeeya gargaarka bani’aadannimada, ayaa diiradda lagu saaray xaaladda bani’aadannimo ee dalka iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashi buuxa oo wax looga qabto caqabadaha jira.

Tom Fletcher ayaa sheegay in booqashadiisa Soomaaliya ay salka ku hayso qiimeynta saameynta musiibooyinka bani’aadannimo sida abaaraha, barakaca dadka, iyo isbeddelka cimilada, kuwaas oo si weyn u saameeyay nolosha shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu intaas ku daray in Qaramada Midoobay ay ka go’an tahay sii wadista taageerada bani’aadannimo iyo la shaqeynta dowladda Soomaaliya si loo yareeyo saameynta musiibooyinka soo noqnoqda.May be an image of textMay be an image of ‎one or more people, dais and ‎text that says "‎( MANAGEMINT م‎"‎‎May be an image of one or more people

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here