Sida lagu sheegay warbixinta Amnesty, Sacdiya waxaa 12-kii Abriil laga qabtay degmada Hodan, iyadoo ay xiriddeeda fuliyeen saraakiil ka tirsan Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA). Ka dib laba maalmood oo ay ku xirneyd saldhigga booliska ee Hamar Jajab, waxaa 14-kii Abriil loo wareejiyay Xabsiga Dhexe ee Muqdisho, halkaas oo ay weli ku jirto.
Ururku wuxuu sheegay in Sacdiya aan loo oggolaan inay aragto qareen, qoyskeedana aan lagu wargelin dambi rasmi ah oo loo haysto. Inkastoo ilo lagu kalsoon yahay ay sheegeen in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay soo saartay amar oggolaanaya in xabsiga lagu hayo muddo 90 maalmood ah inta baaritaanku socdo, haddana Amnesty waxay aaminsan tahay in loo bartilmaameedsaday oo kaliya ra’yigeeda ay ku cabbirto baraha bulshada iyo ka qaybgalka dibad-baxyada nabadeed.
Sacdiya Bajaj ayaa horey u dhaliishay dowladda federaalka, iyadoo ka hadashay arrimo ay ka mid yihiin musuqmaasuqa, shaqo la’aanta dhallinyarada, eexda, canshuuraha sare, iyo kororka qiimaha shidaalka. Mid ka mid ah muuqaalladeeda, waxay uga digtay in madaxda dalku ay mas’uul ka noqon doonaan haddii dhibaato loo geysto.
Amnesty International ayaa warqad u dirtay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo ka dalbatay in la dhowro xuquuqda Sacdiya, lagana ilaaliyo jirdilka iyo loola dhaqmo si waafaqsan heerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha inta ay xabsiga ku jirto. Sidoo kale, ururku wuxuu walaac ka muujiyay in xarigga Saadiya uu qayb ka yahay olole ballaaran oo lagu caburinayo xorriyadda hadalka ee Soomaaliya, kaasoo bilowday bartamihii sannadkii 2022, laguna beegsanayo saxafiyiinta iyo dadka dhaliila dowladda.
Tani ma ahan markii ugu horreysay ee Sacdiya la xiro; 12-kii Maarso ayaa horay loo xiray ka dib markii ay ka mudaaharaadday qiimaha shidaalka, waxaana la sii daayay afar maalmood ka dib markii ay maxkamad horteeda tagtay, taas oo u muuqata hannaan soo noqnoqday oo lagu cabsi gelinayo dadka ra’yigooda si nabadeed u dhiibta.



