Safiirka Ingiriiska oo sheegay in Muqdisho ay kamid tahay goobaha ugu Khatarta Badan Caalamka

0

Muqdisho – Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya, Charles King, ayaa maqaal uu qoray ku faahfaahiyey caqabadaha amni iyo nolosha adag ee uu ku haysto magaalada Muqdisho.

 

Danjiraha ayaa qiray in caasimadda Soomaaliya ay tahay mid ka mid ah goobaha ugu halista badan ee uu diblamaasi ka shaqeeyo dunida, isagoo xusay in subax kasta uu ku soo tooso guuxa diyaaradaha dagaalka F-16  iyo helikobtarrada, taas oo muujinaysa xaaladda dagaal ee wali ka jirta dalka.

Charles King ayaa sharaxay in dhaqdhaqaaqiisa maalin laha ah uu ku xiran yahay isticmaalka gawaarida gaashaaman iyo xirashada dharka aan xabbaddu karin, isagoo xusay in amniga magaaladu uu yahay mid jilicsan oo u baahan feejignaan joogto ah.

In kasta oo ay jiraan khataro Muqdisho uga imaanaya Al-Shabaab, safiirka ayaa ku dooday in joogitaanka diblomaasiyiinta gudaha Muqdisho ay lagama maarmaan u tahay in si dhab ah loo fahmo baahiyaha shacabka Soomaaliyeed iyo in la xoojiyo xiriirka caalamiga.

“Horumar dhab ah ayaa la sameeyay, balse guulahaas badankood wali waa kuwo jilicsan, Soomaaliyana waa dal aad u adag oo laga shaqeeyo,” ayuu yiri danjiraha.

Safiirka ayaa carrabka ku adkeeyey in dowladda Ingiriiska ay ka go’an tahay inay sii joogto ah gacan uga geysato dhismaha ciidamada amniga Soomaaliya iyo ladagaalanka Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in inkasta oo ay jiraan dhibaatooyin dhanka amniga ah, haddana uu arko rajo iyo horumar ka soo muuqanaya dalka, taas oo dhiirigelinaysa in la sii wado taageerada caalamiga ah ee la siiyo Soomaaliya.

Diblomaasiyiinta reer galbeedka, oo midka Ingiriiska ku jiro waxay ku dhex shaqeeyaan xerada Xalane, taasoo dhowr jeer Al-Shabaab weeraro kala duwan ka fulisay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here