Trump oo mar kale weerar afka ah ku qaaday Soomaaliya iyo Ilhan Omar

0

Washington – Madaxwaynaha dalka Maraykanka, Donald Trump, ayaa mar kale hadallo dhaliil iyo weerar afka ah ku qaaday Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay waddan ay ka jiraan amni darro iyo musuq-maasuq.

 

Trump ayaa sheegay in Soomaaliya ay tahay dal qurux badan, balse uu ku dooday in ay ku nool yihiin dad uu ku sifeeyay kuwo liita, hadal si weyn u kiciyay falcelin kala duwan.

Sidoo kale, wuxuu weerar afka ah ku qaaday Ilhan Omar, oo ah xildhibaan ka tirsan Aqalka Wakiillada ee Maraykanka, isagoo ku celiyay eedeymo hore oo muran badan dhaliyay oo la xiriira sida ay dalkaasi ku gashay.

Hadalladan ayaa qeyb ka ah hadallo hore oo Trump marar kala duwan ku weeraray Soomaaliya, isagoo mar walba dhaliilo u jeediya dowladda iyo hay’adaha amniga, kuwaas oo uu ku tilmaamo kuwo daciif ah.

Dhanka kale, Trump ayaa lagu waday inuu ka hadlo arrimo kale oo muhiim ah oo gudaha Maraykanka khuseeya, balse hadalladiisii ugu dambeeyay wuxuu diiradda saaray Soomaaliya iyo siyaasiyiin gaar ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here