MUQDISHO, Soomaaliya – Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Agaasimaha Waaxda Dhibaatooyinka, Marwo Shoko Noda, ayaa si wadajir ah u shir-guddoomiyay kulan muhiim ah oo looga hadlayay arrimaha bani’aadannimada iyo masiibooyinka dalka ka jira.
Kulankan oo ahaa mid istiraatiiji ah, waxaa ka qeyb galay Madaxa UNDP ee Soomaaliya Lionel Laurens, mas’uuliyiin ka socotay Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada, iyo Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka Biyaha.
Sidoo kale, waxaa goobjoog ahaa wakiillo ka socda hay’adaha Qaramada Midoobay, aqoonyahanno, iyo xubno matalayay ganacsatada Soomaaliyeed.
Intii uu kulanku socday, waxaa diiradda lagu saaray xoojinta dadaallada looga jawaabayo musiibooyinka, hagaajinta isku-dubbaridka hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah, iyo sidii kor loogu qaadi lahaa adkaysiga bulshada Soomaaliyeed ee la tacaalaysa saameynta ba’an ee isbeddelka cimilada.
Ka qaybgalayaasha ayaa isku raacay muhiimadda ay leedahay in loo midoobo ka hortagga dhibaatooyinka deegaanka iyo sidii loo heli lahaa qorshe waara oo wax looga qabanayo baahiyaha bani’aadannimo ee ka jira guud ahaan dalka.



