Muqdisho – Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka, Dr. Maryam Qasim Axmed, ayaa kulan muhiim ah la qaadatay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Macallin Maxamuud, xafiiskiisa.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Guddiga iyo Wasaaradda, gaar ahaan dhinacyada ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadanaha.
Intii uu kulanku socday, waxaa si gaar ah looga hadlay xaaladaha maxaabiista, kor u qaadidda ilaalinta xuquuqdooda, iyo horumarinta hannaanka cadaaladeed ee la xiriira carruurta iyo dadka nugul ee la macaamila nidaamka garsoorka.
Labada dhinac ayaa sidoo kale isla gartay muhiimadda ay leedahay xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowliga ah, si loo xaqiijiyo in nidaamka cadaaladda dalka uu noqdo mid waafaqsan heerarka qaran iyo kuwa caalami ee xuquuqda aadanaha.
Ugu dambeyn, waxaa la isku raacay in la dardargeliyo wada-shaqeynta labada dhinac, la xoojiyo kormeerka xabsiyada, isla markaana la hirgeliyo barnaamijyo wadajir ah oo diiradda saaraya dhismaha nidaam cadaaladeed oo dhowra karaamada iyo xuquuqda aadanaha.



