Wafdi Ciidan oo ka socda Dowladda Turkiga oo soo gaaray Muqdisho

0

Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi, ayaa  magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ciidan oo heer sare ah oo ka socday Dowladda Turkiga.

 

Kulanka uu Taliyuhu la yeeshay wafdigan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinaca amniga iyo wada-shaqeynta u dhexeysa labada dowladood. Waxaa si gaar ah looga hadlay kor u qaadista tababarrada iyo aqoonta Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Ciidanka Gaarka ah ee Haramcad.

Dowladda Turkiga, oo ah saaxiib dhow oo Soomaaliya leedahay, ayaa door muuqda ka qaadatay taageerada iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, iyada oo si joogto ah u bixisa tababaro iyo qalab lagu horumarinayo awoodda ciidamada.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in Dowladda Turkiga ay si toos ah uga mid noqoto dowladaha Soomaaliya ka taageeraya dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, taas oo sare u qaadi karta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasilloonida dalka.May be an image of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here