Muqdisho – Waxaa cirka isku sii shareeraya xiisadda siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, iyadoo hoggaamiyeyaasha mucaaradka ay sheegeen inaysan aqbali doonin hoggaanka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud wixii ka dambeeya 15-ka May, oouu ku egyahay muddada xileedkiisa.
Muranka ka dhashay doorashooyinka maamul goboleedyada ee socda ayaa sii hurinaya is-mari waaga u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka, taasoo keentay walaac sii kordhaya oo ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Mucaaradka ayaa sidoo kale wada kulamo ay kaga arrinsanayaan jawaabta ay ka bixinayaan kulanka uu ku baaqay madaxweynaha, kaasoo la filayo inuu qabsoomo maalmaha soo socda.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaybo ka mid ah bulshada ay ka hadlayaan suuragalnimada tallaabooyin ay ku sheegayaan in lagu badbaadinayo dalka, inkastoo aan weli si cad loo shaacin waxa ay tallaabooyinkaas noqon doonaan.



